U bood dhigaalka

Magaalada Jowhar oo laga dareemayo isbedal ganacsi iyo dib u dhis balaaran (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

JowharSuuqa Hanti wadaag waa barta ganacsi ee ugu weyn degmooyinka iyo deegaanada gobalka Shabaalaha Dhexe, waxaana uu ku yaala magaalada Jowhar ee xarunta gobalkaasi, waxaa halkaasi ka jira horumar ganacsi oo aad u balaaran, iyadoo dhanka kale magaaladaasi guud ahaan laga dareemayo isbedalo dhanka horumarka sida dib u dhiska socda.

Suuqa Hantiwadaag waa uu fiday, waxaana halkaasi lagu arkayaa ganacsi u muuqda mid bilaw ah, balse loo baahan yahay in loo sabro iyo dadaal dheeraad ah, waana kuwo hadda dadka qaar ay bilaabeen.

Injineer Cabdoow waxa uu ka mid yahay ragga iibiya Qalabka dhismaha, waxaana uu u sheegay Wariyaha Goobjoog Fm ee gobalka Shabeelaha Dhexe Aadan Xuseen Daa’uud in uu sameeyo waxyaabo badan oo muhiim ah.

Waxayaabaha uu gado waxaa ka mid ah, Miisaska, Alaabta jiifka, Sanduuqyo iyo agab kale oo dalka gudahiisa lagu farsameeyo.

Maalmaha Sabtiga iyo Axada ayaa dadka reer Baadiyaha ah waxay usoo suuq tagi jireen halkaasi, hase ahaatee xilligaan ma jirto, sabab uu ku sheegay Injineer Cabdoow, dadkii oo Miyiga suuq ka sameystay.

Muuqaal ahaan magaalada Jowhar waa uu is bedalay, waxaana sidoo kale magaaladaasi xilligaan aad looga dareemayaa ganacsiga balaaran, kuna sii fiday magaalada.

Dib u dhis xoogan ayaa sidoo kale ka bilawday magaaladaasi, waxaana kusoo badanaya guryaha laga dhisayo dhagxaanta, taas oo dad badan ku shegeen isbedalada xilligaan taagan.

Halkaan hoose ka dhageyso Warbixinta uu soo diray wariyaheena.

Goobjoog News