U bood dhigaalka

Magaalada Kismaayo Oo Lala Mataaneynayo Magaallo Ku Taalla Turkiga

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska dowladda Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Sheekh C/laahi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay iney dardargelin doonaan howlaha dowladda ay ka waddo Jubbaland.

Waxa uu sheegay wasiirka in mashaariic horumarineed ay ka fulin doonaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dhowaan Kismaayo ay tagi doonaan wafdi ka socda dowladda Turkiga, kuwaasi oo mataaneyn doona Kismaayo iyo magaalada Antalya ee dalka Turkiga.

“Waxaa dhowaan imaan doona wafdi ka socda Turkiga, waxay ka shaqeyn doonaan in la mataaneeyo magaaladan iyo magaalo la yiraahdo Antalya” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyn, wasiir Sadiiq ayaa sheegay in sidoo kale laga shaqeyn doono sidii loo dhisi lahaa waddooyinka magaalada Kismaayo.

Goobjoog News