U bood dhigaalka

Dadkii Ku Go’doon Sanaa Magaalada Madaya Ee Siiriya Oo Loo Gurmaday

Sheeko:Dalka

Gawaari kolonyo ah oo gar gaar wada ayaa gaaray magaalada  hareereysan ee Madaya ee dalka Siiriya halkaas oo ay mucaaradku heystaan, iyadoo markii ugu horeeysay mudo Sanado ah halkaa la geeyey raashin iyo dawo muhiim u ah bad baadinta dadka shacabka ah.

Cuna qeybinta ayaa ka socota meelo badan oo magaladaasi ka mid ah, shaqaalaha gurmadka ayaa shaqeynaya xitaa habeenkii sii looga fogoodo dhibaato hor leh oo magaalada ka dhacda.

Dad ka badan 40,000 oo ruux oo muddo Lix Bil ah magaladaasi ku xayirnaa ayaa aqaladooda banaanka uga soo baxay si ay macaawinada u helaaan.

Qaramada Midoobay ayaa horay u sheegatay in ay heyso cadeeymo lagu kalsoonaan karo oo ah in dad badani ay u dhinteen gaajo.

Dhinaca kale gawaari waa weyn oo shixnad gar gaar ah sida ayaa gudaha u galay Labo xaafadood oo ka tirsan Gobolka Idlib gaar ahaan dhanka mucaaradku ay heystaan taas oo qeyb ka ah hishiis dhexmaray dhinacyada dagaallamaya.

Deegaanada Foah iyo Kefraya oo ay ku xaniban yihiin dad lagu qiyaasay 20,000 oo ruux ayaa xaaladooda aad looga deyrinayaa iyadoo halkaa uusan gaarin gurmad tan iyo bishii March ee sanadkii lasoo dhaafay.

Sargaal ka tirsan laanqeyrta Cas ayaa saxaafadda u sheegay in dadku markey arkeen shaqaalaha gar gaarka ay isugu dareen dhoolacadeyn iyo gacan haatin.

Dowladda Siiriya iyo ururka Xisbullah ayaa mucaaradka ku eedeyey in raashinka la geeyey magalada Madaya iyagu ay leex sadeen.

Shaqaalaha gar gaarka ayaa sheekooyin murugo leh ka soo tabiyey meelaha qaar, wiil dhalinyara ah ayaa yiri’’ waxan noqonay kuwo bisadaha disha kadibna qoysaska u geeya, halka qaar badan oo inaga mid ahna ay ku yaaceen goobaha qashinka lagu arruuriyo” ayuu yiri abdirahman oo 17 sano jir ah.

Goobjoog News