U bood dhigaalka

Magacyada Sideedda Musharrax Ee Maanta Jeedinaya Khudbadahooda

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa in xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ay khudbado ka dhageystaan 8 musharrax kale oo kamid ah 24-ka musharrax ee u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Musharraxiinta maanta khudbadda jeedin doona ayaa baarlamaanka u sharaxaya qorshahooda siyaasadeed, iyo sidoo kale nidaamka ay doonayaan in dalka ay ku maamulaan haddii ay guuleystaan.

Musharraxiinta khudbad jeedinta maanta leh ayaa kala ah:

  1. C/naasir Cabdulle Maxamed
  2. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  3. C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)
  4. C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)
  5. C/laahi Cali Xasan
  6. C/laahi Ciilmooge Xirsi
  7. C/qaadir Cosoble Cali
  8. Cali Xaaji Warsame

Maalinta berri ah ayeey ku egtahay khudbad jeedinta musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana haddii maanta xubnahay khudbeeyaan kaliya hari doona 8-musharrax.

Arbacada soo socota ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha dalka ay ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxaana xilkaasi u taagan 24 musharrax.

Goobjoog News