U bood dhigaalka

Magdhow la siinayo qoysaska ciidamada Kenya kaga geeriyooda Soomaaliya

Sheeko:War

Kenyaflag

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in mag dhow lacageed la siinayo qoysaskii ay ka geeriyoodeen askartii kenyaatiga ahaa ee ku dhintay Soomaaliya.

Wasaaradda difaaca dalka Kenya waxa ay xustay in ciidamada Kenya ee ka tirsan kuwa midowga afrika bishii mushaar ahaan ay u qaataan lacag gaareysa 89,456 oo shilinka Kenya ah, taa oo ay u sii dheertahay mushaarka billaha ah oo ay siiso dowladda Kenya.

Lacagta mag dhawga ah ee la siinayo waalidiinta askarta ku dhimatay soomaaliya ayaa gaareysa 4 milyan oo shilinka Kenya ah sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Kenya.

Dowladdu ma shaacin inta askari ee Soomaaliya kaga dhimatay iyo cadadka lacaged ee la siinayo qoyskiiba.

Sidoo kale, Kenya ma cadeen lacagta la siinayo ciidamada ku dhaawacmay dagaalka, balse waxa ay sheegatay in taasi ay ku xirantahay heerka dhaawacu uu gaarsiisanyahay.

Arbacadii ayey aheyd markii hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga uu ka dalbaday dowladda uu hugaamiyo Uhuru kenyata in ay soo bandhigto tirada ciidamada kaga dhintay soomaaliya tan iyo markii Kenya ay ku biirtay ciidamada midowga Afrika.

Ciidamad Kenya ayaa soomaaliya soo galay 2011 si ay ula dagaalamaan xarakada Al-shaab oo ay Kenya xilligaa ku andacooneysay in ay falal amni darra ah dalkeeda ka waday iyadoo kadibna ku biirtay ciidamada midowga afrika ee soomaaliya ku sugan.

Waxa ayna Kenya marti galisay weeraro dad badni ay ku geeriyoodeen kuwaa oo ka dhacay magaalooyin ku yaalla dalkaa oo ay ka mid tahay caasimadda Nairobi iyo magaalooyinka dhaca gobollada xeebta Kenya oo ay ku dhinteen dad gaaraya boqollaal.

Inta badan weeraradaas waxaa sheegtay xarakada Al-Shabaab.

Wararka Goobjoog news