U bood dhigaalka

Mahad Cabdalle: 20-ka bishan ayuu furmayaa Kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka dalka

Sheeko:Dalka
Mahad Cabdalle Cawad
Mahad Cabdalle Cawad/ Sawir Qaade: Munasar Maxamed Cabdi

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Federaalka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho xilli maalmha soo socdo uu dib u furmi doono kalfidhigii baarlamaanka dalka.

20-ka bishan waxaa xarunta golaha shacabka ka furmaya Kal-fadhiga 5-aad ee baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Bilowga howlaha horyaalla marka uu furmo Kal-fadhigu waxaa ka mid ah dajinta qorshayaashii lagu gaari lahaa in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyin madaxtinimo, dhisidda guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, sharciga axsaabta siyaasadeed iyo dhisidda guddi madax banaan oo qaabilsan xadaynta xuduuda iyo federaalka sida uu maanta ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Federaalka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Inta badan waxaa dalka ku soo laabanaya xubnaha ka tirsan Barlamaanka ee dalka dibadiisa ku maqan si ay u gutaan waajibadka dalka ka saaran.

Isla maanta waxaa dalka dib ugu soo laabtay xildhibaano badan oo uu guddoomiye ku xigeenka labaad qeyb ka ahaa.