U bood dhigaalka

Mahad Cawad “Mooshinka Madaxweynaha Baarlamaanka Wali Lama Horkeenin, Xafiiskeena Ayuu Yaalaa”

Sheeko:Dalka

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka ayaa ka hadlay halka uu marayo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha, wuxuuna sharaxay fahamka ku saabsan sharciyadda mooshinka.

Waxa uu sheegey in mooshinka in lasoo gudbiyey oo uu yaalo xafiiska guddoonka aysan micnaheedu ahayn in la horgeeyey baarlamaanka.

“Arrinta Mooshinka ee ka soo horjeeda Madaxweynaha, soo jeedintaas Xildhibaana keensaday Xafiiska Guddoonka ayuuna yaalla, marka dadka inay kala fahmaan la rabaa Baarlamaanka lama hor keenin, ajandahana kama mid ahan” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad oo waraysi siiyey idaacadda dowladda.

Wuxuu sharaxay in mooshinkani maadaamaa madaxweynaha laga keeney ay tahay in maxkamadda sare ay soo xaqiijiso, lana hubiyo sida uu sharci u yahay ka hor inta aanan cod la galinin ama baarlamaanka la horkeenin.

Illaa 9 xubnood oo garsoorka ah oo uu guddoominayo guddoomiyaha maxkamadda sare Caydiid Ilka Xanaf ayay tahay in ay ka fariistaan mooshinka si ay u eegaan sida ay sharci u yihiin waxyaabaha madaxweynaha lagu soo eedeeyey.

Waxaa guddigan xubno ka ah illaa 4 qof oo labo ka mid ah ay dowladda soo xuleyso, sida baarlamaanka oo 2 xildhibaan soo xulaya iyo xukuumadda oo labo qof soo xuleysa.

Balse xubnihaasi ayaanan wali lasoo xulin, waana sababta dib u dhigeysa arrinta mooshinka, waxayna dadka qaarkood ka shaki qabaan in la lug jiidayo si waqti badan loogu helo kala furfurista xildhibaanada gadoodsan.

Mooshinka waxaa la gudbiyey 12-kii bishan Agoosto, waxaa laga joogaa 18 maalmood, 93 xildhibaan ayaa saxiixday taasi oo ah tirada mooshin ka gudbin karta madaxweynaha, balse si madaxweynaha uu u dhoco waa in wax ka badan 180 xildhibaan ay mooshinka codkooda siisaa, mana ahan arrin sahlan, waxayna ka dhigantahay in 10 xildhibaan oo lagu qanciyo in aysan codeynin ama madasha ka maqnaadaan.

Goobjoog News