U bood dhigaalka

Mahad Maykon Oo Loo Magacaabay Tababaraha Kooxda Heegan

Sheeko:Cayaaraha

Maamulka kooxda Heegan ayaa xilkeeda tababarnimo u magacaabay laacibkoodii hore Mahad Maxamed Xaaji (Mahad Maykon) oo ka mid ahaa xidigihii soo maray naadigan ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Laacib Mahad ayaa Heegan Sports Club ka mid ahaa intii u dhaxeesay sanadihii 2009-2016 intii uu joogay Heegan hal mar ayuu la qaaday horyaalka Somalia Premier League waxayna aheyd 2015-2016 waxaana kolkaa kooxda Heegan macallin u ahaa Axmed Cabdiraxaan Cumar Gadaamow oo hada macallinka Rajo.

Iminka Macallin Mahad Mayon waa tarjumaanka dhinaca luuqda ee tababarayaasha xulka qaranka Soomaaliya,isagoo booskan ku shaqaynay tan iyo bishii March 2019 wuxuuna xulalka kala duwan ee qaranka u raacay safaro kala duwan oo muhiim ahaa bilooyinkii lasoo dhaafay.


“Xariirka Kubadda cagta waxaan kala hadli-doonaa in aan hakinayo shaqadii aan u ahayay maadaama maamulka kooxda Heegan ay igmadeen shaqo adag oo u baahan in la geliyo waqti badan iyo kooxda ay isku diyaariso tartamada ay ka qeyb galayso” ayuu tababare Mahad u sheegay Goobjoog Sports.
Saaxiibada iyo ciyaartooydii ay isku waqtiga ahaayeen macallin Mahad ayaa u rajeeyay in xilkan loo magacaabay ugu soo baxo si wanaagsan in uu naadiga gaarsii meel u aad wanaagsan maadaam oo aqoon iyo qibrado wanaagsan sanadihii u danbeeyay qaatay.

“Xilkan ma ahan wax fudud waxaane Alle,waa shaqo u baahan in waqti badan la geliyo lana dhiso koox awoodo badan aniga oo kaashanayo aqoontooyda iyo saaxiibayda kubbadda cagta waxaan dhisiyaa koox awood u badan oo u tartamaysaa tartamada gudaha iyo dibadda” ayuu markale Goobjoog Sports u sheegay tababaraha cusub ee kooxda Heegan Mahad Maxamed Xaaji (Mahad Maykon).

Si kastaba kooxda ciidanka booliska ee Heegan ayaa baadigoobaysa hanashada horyaalka Somalia Premier League oo ay u danbeesay fasal ciyaareedkii 2015-2016.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle