U bood dhigaalka

Mahad Salaad: Cawad Waxaa uu Ku Tuntay Xeerhoosaadka, Una Gafay Guddiga Maaliyadda Iyo Golaha Sahacbka

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Mahad Salaad, oo ah xubin ka tirsan Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka ayaa soo saaray qoraal ka dhan ah Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad isaga ku eedeeyey in Cawad uu si ula kac ah u baalmaray sharciga kulankii Golaha Shacabka ku yeeshay 24 bishaan xarunta Golaha Shacabka, wuxuuna dalbaday in tillaabo sharci ah laga qaado.

Mudane Mahad Salaad waxaa uu sheegay in guddiga joogtada aanu shirin mudo afar asbuuc ah, guddoonkana uu go’aan ka gaaro ajendaha, sidaa darteedna gudoomiye ku xigeenka labaad isaga uu marooqsaday awoodii golaha shacabka taas oo meel ka dhac ku ah xeerhoosaadka Golaha Shacabka iyo waajibaadka shaqo ee gudiyadu u idmanyihiin.

Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu difaacay qoraalka guddiga maaliyadda isaga oo sheegay qoraaladii gudiga kasoo baxay uu saxiixay gudoomiyaha gudiga, sifo sharci ahna loogu soo gudbiyay guddoonka golaha, looguna soo daray ajandaha golaha, isla markaana faqrooyinka Gudoomiye ku xigeenka labaad soo daliishaday ee ku xusan qodobkaan ee ku jirtay hadal jeedintiisii lama xariiraan arimaha maaliyadeed ee si cad sharcigu u qeexay ee waa arimo uu ka lahaa dano siyaasadeed oo ujeedadeedu ahayd in meesha looga saaro warbixintii guddiga maaliyada.

Mr. Salaad waxaa uu aflagaado ku tilmaamay hadalkii wasiirrada ka jeediyeen gola shacabka “Wasiiradii uu hadalka siiyay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha waxay Golaha hortiisa ku aflagaadeen xubnaha gudiga, iyaga oo gudiga ku sifeeyay erayo anshaxxumo ah, gefna ku ah sharafta iyo xasaanada Xildhibaanada. Iyaga oo iska indho tiraya cadeymaha iyo dokumentiyada guddiga maaliyadu hayo ee cadeynaya musuqmaasuq baahsan, ku tumasho sharciyada maamulka maaliyada dalka, ku xadgudub qaraaraadkii Golaha Shacabka iyo naasnuujin ka dhex jirta hay’adaha dowlada qaarkood oo ay ugu horeyso wasaarada maaliyada sida Hantidhowrka Qaranka soo cadeeyay kuna cad warbixinta gudiga maaliyada”.

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu dalbaday in Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad tallaabo sharci ah laga qaado, uu raalli-gelin ka bixiyo hab-dhaqankiisa, sida uu uga tuntay xeerhoosaadka Golaha Shacabka iyo siyaasadeeynta shaqooyinka la xisaabtan iyo kor-joogtayn ee Gudiyada Golaha Shacabku u xilsaaranyihiin.