U bood dhigaalka

Mahadaay: Wabiga Shabelle Oo Laga Baqayo Inuu karkaarada Jabsado

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in cabsi ballaaran ay halkaasi ka taagan tahay, ka dib markii wabiga Shabelle ee degmadaasi mara uu buuxsamay.

Gudoomiyaha degmadaasi Axmed Xuseen Afrax oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay aad uga walwal sanyihiin Wabiga Inuu fatahaad sameeyo.

Waxa uu sheegay in roob xooggan uu ka da’ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay degmadaasi, taasi oo keentay in Wabiga uu soo buuxsamo.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in hadii roob kale maanta ama caawa uu yimaado aanu shaki geli doonin in Wabiga uu soo fataho.

“Wabiga degmada Mahadaay waxa uu ka maraa 32-km, waxaan halis ugu jirnaa in Wabiga uu nagu soo fataho, roobkaan hadii uu maanta da’o ama caawa shaki kulma jiro in Wabiga uu fatahayo” ayuu yiri Gudoomiyaha

Dhinaca kale gudoomiye Axmed ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka degmadaasi ay u diyaarsanyihiin in naftooda ay kala baxsadaan degmadaasi, hadii uu Wabiga fataho.

Waxaa jirta digniino ku aadan in laga feejignaado roobab Dabaylo wata oo la sheegay inay ka da’i karaan meello badan oo ka mid ah gobalada dalka.

Goobjoog News