U bood dhigaalka

Mahdi Guuleed: Waxaa Soo Wadnaa Xisbi Oo Madaxweynaha Uu Hormuud Ka Yahay

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed Qatar oo Maanta Khudbeynayay ayaa sheegay in ay soo wadaan Xisbi weyn oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu tilaamay in Xisbigaan uu noqon doono Xisbiga Xisbiyada waxaana guddoomiye ka ahaan doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Mahdi oo la hadlayey axsaabta waxaa uu yiri “Xisbiyada qaar waxaa ay ka dhawaajiyeen in xukuumadda looga fadhiyo, in dowladda looga fadhiyo xisbigooda inay dhisato, xisbi weyn, weyn ilaaheybaa weyne ayaan soo wadnaa, oo xisbigii xisbiyada ah, oo madaxweynaheennu hormuud u yahay, siyasaddii guushii Febraayo uu ku hoggaaminaayo, marka ha isla jiro, yaa ha is dhiganina xisbiyada is-diiwaan-geliyay , yaanan la idiin gaadin goor barqo ah adinka oo waaberiistey”

Ra’isul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed oo sii hadlaya”Doorannana hoggaanka saxda ee siyaasaddiisaku hiigsaneyno inuu dalka ku soo hoggaamiyo, waxaan qabaa in aad dooran-doontaa madaxweyne Farmaajo doorashada 2020, barnaamijka quruxda badan ee guusha uu ku soo hoyey aad ku dooran-doontaan, kan dooran rabbaa yaqaan, ka dooro ayaa yaqaan, waxaa dooraneysan adinka oo barnaamijkiisa iyo siyaasadiisa ku dooranaya, xisbiga yadana waad arki-doontaan waad akhrisan-doontaan”

Goobjoog News