U bood dhigaalka

Majaajiliste Boon Xirsi

Sheeko:War

Majaajiliste Boon Xirsi Bawdyo-gaab  oo magaciisa oo saddexan uu ahaa  Xuseen Xasan  Cadib  bilawgii kun sagaal oqol kontonkii ayuu ku dhashay deegaan baadiye ah oo ka agdhaw Hargeysa, waxaanu isaga oo ka yar da’da labaatanka uu soo galay Hargeysa halkaasi uu shaqaale ka noqday maqaayad cuntada samaysay .

Boon Xirsi oo ahaa  cunto Kariye Wanaagsan sannadkii 1973-dii waxa uu alifay hal abuurnimadiisii ugu horraysay  taasi uu ahayd fariin uu diraayey gabar uu jacayl u qaaday oo dalka Jabouti uga dhooftay .

Boon Xirsi  fariintan waxuu qaab matalaad ah ugu dhiibay Bisad, oo ku tilmaamay inuu cunada siin jiray intii uu maqaayad ka shaqayn jira, dhammbaalkan uu Jabouti  u diraayey waxuu ku muujiyey in Bisadu tahay noolaha kaliya ee qaadi kara fariintan  waxaanu yiri isaga oo la hadlaaya Bisadii.

Bisad yahay rabaysani

Ee barabaraha iyo baaluhu ay casuus yiin

Waa taan baryaha qaar

Bogga iyo qanjaha iyo beerka aan ku siin jiray

Eed barwaaqo naaxdee

Ruuxa baylka kugu shuba

Budka aan la kori jiray

Waxes Boon ku leeyahay

Ma biddaa abaaloo

Waxan aan u baahnahay ba’ee

Mayla qabataa?

Boon Xirsi isla sannadkiiba waxa uu maqlay in haweenaydii uu jeclaaday la guursaday waxaanu sameeyey hees uu qaado fanaanka Maxamed Faarax Xirsi oo  Ilwaad la dhaho  erayadeeena ay ka mid yihiin.

Maxaad isku keen bartee

Iigaga baxdee

Igu ilawday

Sawtaan ugbaadiyo

Sida ila biyo leh

Shalay kuu ahaa

Abaalaw waxba ha tarin

Aqooneey waxba ha qaban

Mar haddii Ilwaad

Oon igu ag-dilay

Boon Xirsi sannadki 1974-kii waxuu isku arkay inuu qayb ka ahaan karo kacdoonkii xooganaa ee fanka Soomaaliyeed , isaga oo ka qaybqaatay riwaayad uu sameeyey Abwaanka Axmed Saleebaan Bidde oo uu ku matalaayey Dhakhtar .

Boon Xirsi  oo intaas ka dib  ay soo baxday hibadiisa faneed  waxa uu qayb ku lahaa riwaayad caan baxday oo magaceedu ahaa  NInba Timo Xamar  oo haddana  xiir, waxaana riwaayad  oo ay wada curiyeen Abwaankii Meecaad Miigane  uu Boon Xirsi ku darsaday heeso ay ka mid ahayd  heesta Ninba waayihiisaa ileen geed ku waabee miyaan kuu waramay wali? Oo ay  Aamina Cabdilaahi Xirsi iyo Maxamed Axmed Kuluc wada qaadeen .

Waxayna heestani ka sheekaynaysaa qaabka dhaqan  ee ay Soomaalidu gaar ahaan wiil iyo gabadhi ku haasaawi jireen isaga oo midkastaaba ka kale u xogwaramayo isaga oo ugu tusaalaynaya dhacdooyin hore oo jiray .

Boon Xirsi intaas ka dib waxa uu caan ku noqday majaajilooyinka iyo waliba qaab masraxiyadeed naadir ku ahaa fanka Soomaaliyeed , waxa uu sameeyey googoosyo kala duwan  oo ah riwaayado  dhextaal u ahaan jiray bandhig faneedyada  ay qabtaan fanaaniintu .

Boon Xirsi  ka sakaw magaciisa Xuseen Xasan Cadib   waxa uu lahaa magacyo kale oo toban ku dhaw kuwaasi oo hadba  ka uu doono isku magacaabo isaga ayaana dhammaantood la baxay  waxaana ka mid ah magacyadiisa uu sheegan jiray xilliyada uu dadka ka qoslinaayo “ Hiinaw  Haanaw,  Mr Haashim  Haadh ofda Kulayl , nin Daran eer maarshaal kiin ,  mudane gool wootar ,  Xaaji Maxamed nin Alla ,  Diin Gargaar , ma danayste , Shacab u doode  ,  Khatar Cadiim ,  Badda Cas may ruush Boon Xirsi Bawdyo-gaab”.

Magacyadan marka uu tiriyo waxay ahaan jireen kuwa masraxu sacab iyo alalaase is qabsan jiray .

Boon Xirsi ayaa tobankii sanno ee ugu dambeeyey waxa la’aa laxaadka aragga/indhool  ka dib markii uu ku qarxay Janta-siigar/Gaaslaytar uu sigaar ku daaranayey lagumana guulaysan isku dayo lagu sameeyey in aragiisa lagu badbaadiyo

Boon Xirsi  mar uu warbaahinta Goobjoognews ugu waramay magaalada Hargeysa waxuu u sheegay  inuu wax caruur ah uu hal wiil dhalay waxaanu isaga iyo xaaskiisa Shamso  ay deganaayeen  xaafada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa  halkaasi oo uu xalay si kadis ah ugu   geeriyooday

Alle ha u naxariisto Boon Xirsi