U bood dhigaalka

Majmaca Culumada Oo Ka Digey In Carruurta Lagu Xadgudbo

Sheeko:Dalka

Majmaca Culumada Soomaaliyeed ayaa ka hadashay maalinta xuquuqda carruurta adduunka oo maanta meelo badan oo caalamka kamid ah laga xusayo.

Majmaca waxay sheegeen in carruurta xil la iska saaro isla markaana la ilaaliyo inta ay carruurnimada ku jiraan waxbarashadooda iyo caafimaadkooda.

Guddoomiyaha Hay’addaasi Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa sheegay inay jiraan macallimiin si xad dhaaf ah u garaaca carruurta xilliga ay waxbarayaan arrintaasi oo uu ku tilmaamay mid aad u xun.

Wuxuu ka digey Sheekha xadgudubka lagu sameeyo carruurta oo uu ku sifeeyay inay tahay dambi weyn islamarkaana xuquuqda carruurta la dhowro.

Dalka Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha xadgudubyada carruurta ay ka yihiin wax caadi ah islamarkaana ay ka dhacaan xadgudubyo badan oo carruurta lagu la kaco.

Goobjoog News