U bood dhigaalka

Mala Isku Keeni Karaa Haasaawe Taleefan iyo Waxbarasho Tayo Leh? (Dhageyso Warbixin)

Sheeko:Dalka

Buug iyo QalinWaxbarashada waxa ay muhiim u tahay qof walba, qof hadii uu waxbartana waxa uu ku gaaraa waxbarashadiisa horumaro badan, dalkana waxbuu ugu qabtaa.

Hadaba waxaa jira caqabado badan oo laga yaabo in ay hortimaado xilliga qofka wax uu baranayo, haba ugu badnaatee dhalinyarada xilligaan haasaawaha ku jira.

Waxaa jira dhallinyaro badan oo waqti badan galiyay ku hadalka telefoonka ama isticmaalkiisa xiliyada waxbarashada ama waqtiyo looga baahnaa diyaarinta imtixaanada taasoo dib u dhac ku ah hannaankii waxbarasho ee qofka maadaama uu waqti badan galiyay ku haasaawidda dhinaca telefoonka halkii uu ka galin lahaa dhinaca waxbarashada.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed, waxna barta hadana qaarkood Haasaawe sameeya ayeeynu wax ka su’aalnay sida xilligaan la’isugu keeni karop Haasaaw Taleefan iyo in la helo waxbarasho tayo leh.

Wariyaheena Raaxa Maxamed Maxamuud ayaa inoo Diyaarisay Warbixin Arintaan ku saabsan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News