U bood dhigaalka

Malaaq Shiino “Dadka Koonfur Galbeed Gacanta Ayeey Is Qabsadeen, ShariiF Xasan Ma Harsan Ilaa Dadka Maqan Uu Ka Keeno”

Sheeko:Dalka

Baydhabo

Malaaq Cali Cabdiraxmaan (Shiino) oo ka mid ah waxgaradka ku sugan magaalada Baydhaba, islamarkaana ah afhayeenka golaha guurtida ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in hadda ay midoobeen dhamaan dhinacyadii ku kala aragti duwanaa maamulkaasi ee Baydhaba joogay.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu dhabarka u xirtay sidii uu meel isugu keeni lahaa dhamaan siyaasiinta aragti ahaan isaga diidanaa iyo kuwa taageersan, taasna uu ku guuleystay.

“Dadka koonfur galbeed gacanta ayeey is qabsadeen, ShariiF Xasan ma harsan Ilaa dadka maqan uu ka keeno, taasna waa uu ku guuleystay, dhamaan xubnihii qabay aragtida Lixda gobal ee maqanaa waa ay soo tanaasuleen, waxna waa laga dhaadhiciyay, waxayna diyaar u yihiin in ay wax la qeybsadaan dadkooda, kana shaqeeyaan aayahay maamulka Koonfur Galbeed” Malaaq Shiino ayaa sidaasi yiri.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Malaaqa in dhawaan masraxa maamulka Koonfur Galbeed lagu dhex arki doono siyaasiin dhanka Lixda gobal ahaa, taas oo uu kala jeedo in xil loo magacaabayo qaar ka mid ah xubnaha maamulkii Madoobe Nuunoow.

Magaalada Baydhaba dhawaan waxaa ka dhacay is faham buuxa, islamarkaana waxaa meesha ka baxay maamulkii Madoobe Nuunoow Maxamed, ka dib markii ay ku biireen maamulka Shariif Xasan hogaamiyo ee Koonfur Galbeed.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News