U bood dhigaalka

Malaaq Shiino: Dhammaad ayuu marayaa shirka lagu dhisayo maamulka 3-da gobol (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in heer gaba gabo ah uu marayo shirka lagu dhisayo maamulka ka kooban saddex gobol ee kala ah Shabeellaha hoose, Baay iyo Bakool.

Malaaq Cabdiraxman Cali Shiino oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa carabka ku dhuftay in shirkan uu yahay mid ahmiyad gaar ah u leh dadka wada dega gobollada koonfurta dalka.

Intaa waxa uu ku daray warkiisa in la   gaaray waqtigii la qeybsan lahaa xubnaha maamulkan lagu hawlan yahay dhismihiisa.

Magaalada Baydhabo waxaa ay xarun u noqotay laba maamul oo is diidan kuwaas oo ku loolamaya hogaanka iyo tirad uu ka koobnaanayo maamul ay yeeshaan gobollada konfu-galbeed.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa mar sii horeysay aqoonsatay maamulka saddexda gobol.

Hoos ka dhageyso codka Malaaq Cabdiraxman Cali Shiino: