U bood dhigaalka

Dhageyso: Malaaq Shiino “Farmaajo Iyo Kheyre Ayaa Farogelin Ku Haya Doorashada K/galbeed”

Sheeko:Dalka

Waxgaradka K/galbeed ayaa ku eedeeyey madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka in farogelin ku hayaan doorashada la filayo iney ka dhacdo Baydhabo.

Malaaq Cali C/raxmaan oo ka mid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog , in madaxda dowladda federaalka wataan musharraxiin gaar ah oo ay doonayaan iney kusoo baxaan xilka madaxweynaha K/galbeed.

Waxa uu si gaar ah u sheegay in madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay farogelintan wadaan, isaga oo ku baaqay in K/galbeed dadkeeda loo madax baneeyo doorashadan.

Dhanka kale, Malaaq Shiino ayaa sheegay in dowladda ay mar hore ka waayeen Kaalmo, balse hadda ay dooneyso in qalalaasyo ay ka abuurto magaalada Baydhabo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News