U bood dhigaalka

Malaaq Shiino “Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaynu dooranaynaa Isniinta” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah ergada ka qeyb galaysa shirka maamul u sameynta gobalada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay dooran doonaan madaxweyne.

Waxa uu sheegay Malaaqa in muddo aad u badan ay u fadhiyeen sidii ay ku dhisi lahaayeen maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana haatan ay diyaar u yihiin hirgelinta maamulkaasi.

Maalinta Isniinta ah oo maalin qura naga xigto ayuu sheegay in ay doonayaan inay doortaan hogaanka maamulka Koonfur Galbeed, xilli madaxda dowladda Soomaaliya ay amar ku bixiyeen in shirkaasi la hakiyo.

Dhanka kale magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, waxaa ku sugan siyaasiin u sharaxan xilka hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa warqad ay soo saareen ku sheegeen in la hakiyay shirka lagu dhisaayo maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News