U bood dhigaalka

Malaayiin Doollar Oo Loogu Yaboohay Abaarta Soomaaliya

Sheeko:Dalka, War

Waxaa magaalada London ee caasimadda dalka UK ka socda shir looga hadlayo abaaraha ka jira qaar ka mid ah waddamada Africa oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Koofurta Suudaan iyo Itoobiya.

Shirkan ayaa waxaa dalalkan loogu yaboohay lacago lagu caawinayo dadka ay saameeyeen abaaraha.

Soomaaliya ayaa waxaa loogu yaboohay 24-kii saac ee la soo dhaafay maalaayiin doolar, waxaana ka mid ah waddamada ugu yaboohay lacagahan:

Jarmalka oo ugu yaboohay lacag dhan 50 euro, UK 24 pound, Mareykanka 110 Milyan, halka Norway ay ugu deeqday Soomaaliya lacag dhan 10 Milyan.

Goobjoog News