U bood dhigaalka

Malaayiin Taagan Buurta Carafa si ay U Gutaan Waajibka Ugu Muhiimsan Xajka

Sheeko:Dalka

Malaayiin Muslimiin ah ayaa maanta taagan Buurta Carafa si ay u gutaan waajibka ugu muhiimsan Xajka ee sanadkan iyo sanad walba.

Xaramka waxaa galabtii Talaadada ka da’day roobab dabeylo wata, lamana oga in Maanta mar kale roobab da’ayaan.

Kacbada ayaa saaka oo Arbaca ah loo labisay oo dhar cusub la huwiyay sida Caadada ah oo sanad walba la sameeyo subaxnimada Carafa.

Dadka Xajinaya waxaa ay tagi doonaan Muzdalifa halkaas oo ay ku tukan doonaan Maqrib iyo Cisho kana aruursan doonaan Dhagxaan oo Bari ay Caqaba ku dhagaxtuuri doonaan, Markaas kadib waxaa ay aadaan Muna si ay u bilaabaan Maalmaha Tashriiqa.

Dalka Sacuudiga ayaa sheegay in 100 Kun oo Ciidamada Amaanka ah ka shaqeyn doonaan gudaha Xaramka si loo adkeeyo amaanka Xujeyda.