U bood dhigaalka

Malaayiin Xujey Ah Oo Maanta Taagan Banka Carafo

Sheeko:Dalka

Malaayiin xujey ah ayaa maanta waxa ay taagan yihiin Banka Carafo, waxaana ay gudanayaan mid ka mid ah rukniyada ugu muhiimsan ee xajka.

Xujeyda ayaa saakay laga soo qaaday deegaannadii ay deganaayeen, waxaana ay isugu yimaadeen Banka Carafo, iyaga oo halkaasi joogi doona maanta oo dhan.

Dowladda Sacuudiga ayaa diyaarisay kumanaan ciidan, kuwaasi o lasoo dhigay waddooyinka waaweyn ee magaalada Makka Al-mukarrama, iyadoo sidoo kale gaadiidka laga mamnuucay iney isticmaalaan waddooyinka Xaramka Barakeysan u jira illaa 2-KM.

In ka badan 11-kun oo xujey Soomaali ah ayaa sanadkan nasiib u yeeshay iney soo xajiyaan, iyaga oo ka mid ah muslimiinta maanta taagan Banka Carafo.

Goobjoog News