U bood dhigaalka

Maleeshiyaad Hubeysan Oo Isbaarooyin Hor Leh Dhigtay Wadada Isku Xirta Afgooye Iyo Mareerey

Sheeko:Dalka

Maleeshiyaad hubeysan kuna labisan dareeska ciidamada dowladda Federaalka ayaa Ibaarooyin hor leh waxa ay dhigteen wadada isku xirta degmada Afgooye iyo deegaanka Mareerey ee gobalka Shabellaha Hoose.

Darwalada gaadiidka ka shaqeeya wadadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in laga qaado lacago xad dhaaf ah, hadii aysan bixinna ay dhibaato la kulmayaan.

Gudoomiyaha deegaanka Mareerey ee gobalka Shabellaha Hoose, Sayid Baalle Mayow oo isna u waramay Goobjoog ayaa sheegay in aysan wax awood ah u hayn wax ka qabashada Isbaaradaasi.

Waxa uu tilmaamay in marar badan ay kala hadleen maamulka degmada Afgooye, balse xaaladda ay kasoo dartay markii Isbaarooyin badan lasoo dhigay wadadaasi.

Gobalka Shabellaha Hoose, meelo badan oo ka mid ah waxaa yaalla Isbaarooyin lacag looga qaado gaadiidka dadka shacabka ah, waxaana horay dowladda ay u sheegtay in cagta ay marin doonto cid walba oo Isbaaro dhiganaysa.

Goobjoog News