U bood dhigaalka

Maleeshiyaad Hubeysan Oo Weli Ku Sugan Xaafadaha Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne maanta oo Isniin ah waxay sheegayaan in weli xaafadaha magaaladaasi ay ku sugan yihiin Maleeshiyaad shalay subax halkaasi soo buux dhaafiyay.

Dad ku sugan magaalada Baladweyne ayaa u sheegay Goobjoog News, in weli sidii shalay ahayd xaaladda maanata ay tahay, iyadoo wadooyinka qaar ay xirteen maleeshiyaadkaasi.

Xaafadaha qaar ee magaalada Baladweyne wax ganacsi ah kama jiraan, iyadoo sidoo kale uu yar yahay isku socodka dadweynaha.

Maleeshiyaadkaan ayaa ka carreysan dil maalin kahor magaaladaasi loogu geystay sarkaal u shaqeynayay hay’adda miino baarista ee Main Action.

Wasaaradda amniga gudaha ayaa guddi baara dilkaasi magacawday, kaasi oo ka kooban 7 xubnood, kuna wajahan saacadaha soo aadan magaalada Baladweyne.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News