U bood dhigaalka

Maleeshiyaad Qof Xoolo-dhaqato Ah Ku Dilay Gobolka Galgaduud.

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanayo Gobolka Galgaduud ee deegaannada  dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegayo in maanta kooxo maleeshiyaad ah ay dil ka geysteen deegaan dhaca duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Dil ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Miiracad oo duleedka ka ah Dhuusamareeb  waxaana loo geystay ruux shacab ah kaas oo ka mid ahaa  dadka deegaanka ee xoolo dhaqata ah, qolyihii dilka geystay ayaana goobta isaga baxsaday  ka dib markii ay dilka geysteen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dilka  uu salka ku haayo dilal aano qabiil ah oo gobolka horay uga dhacay sidoo kale waxaan  jirin  wax war ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan dilka maanta ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda u ah maamulkaasi.

Goobjoog News