U bood dhigaalka

Maleeshiyaadkii Ku Dagaallamay Duleedka Gaalkacyo Oo La Kala Qaaday

Sheeko:Dalka

Waxgaradka gobolka Mudug ayaa sheegay iney ku guuleysteen iney kala qaadaan maleeshiyaad kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug oo dhowaan ku dagaallamay duleedka magaalada Gaalkacyo.

Suldaan C/naasir Jaamac Seed oo kamid ah waxgaradkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in dedaal ay sameeyeen kadib ay kala qaadeen Maleeshiyadan, ayna kala geeyeen meelihii ay horey uga kala yimaadeen.

“Waxaan ku guuleysannay inaan kala qaadno Maleeshiyaadkii ku dagaallamay duleedka Gaalkacyo, waxaana kala geynay meelihii ay ka kala yimaadeen, taasina waa guul ay waxgaradku gaareen” ayuu yiri Suldaan Seed.

Dhanka kale Suldaanka ayaa sheegay in hadda ay bilaabeen in waxgaradka Puntland iyo Galmudug ay ka wada hadlaan sidii loo dhameyn lahaa dad ay iska kala dileen Labada dhinac iyo sidoo kale Geel la kala dhacay.

“Hadda waxaa inoo haray in dhibkii dhacay la xalliyo, la gaaro go’aanno adag oo dib dambe looga baaqsan karo iney wax dhacaan” ayuu suldaanka yiri.

Maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa dhowaan ku dagaallamay duleedka magaalada Gaalkacyo, wuxuuna dagaalkaasi ku bilowday sida la sheegay Geel la dhacay.

Goobjoog News