U bood dhigaalka

Maleeshiyadkii Ku Dagaallamay Sool Oo La Kala Qaadayo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Ari-caddeeya oo ay ku dagaallameen maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa sheegaya inuu socdo dedaal ay wadaan waxgaradka Labada dhinac, kaasi oo lagu kala qaadayo Maleeshiyadan.

Wariyaha Goobjoog ee gobolka Sool, Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in deegaankaasi ay kulamo degdeg ah ku yeesheen waxgaradka Labada dhinac oo ay wehlinayaan mas’uuliyiin Somaliland ah.

Waxay isku raaceen waxgaradkan in lasoo xabadda la joojiyo, islamarkaana isla maantaba la kala qaado maleeshiyaadkii ku dagaallamay deegaankaasi.

Dagaalkan ka dhacay shalay illaa xalay deegaanka Ari-caddeeye ayaa bilowday kadib muran Labada dhinac soo kala dhexgalay oo ku saabsan dhul halkaasi ku yaalla.

Maamulka Somaliland ayaa Labada dhinac ee dagaallamay kala dhex dhigay ciidamo amniga suga, iyaga oo ku guuleystay in dagaalka la joojiyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News