U bood dhigaalka

Maleeshiyo beeleed isku horfadhiyay degmada Caabudwaaq oo la kala qaaday (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta lagu guuleeystay in la kala qaado Maleeshiyaadkii isku horfadhiyay degmada Caabudwaaq ee Gabalka Gal-gaduud, ka dib markii dadaalo ay sameeyeen waxgaradka degmadasi.

Tani ayaa timid ka dib markii degmadaasi lagu dilay maalintii shalay ahayd nin shacab ah, taa oo keentay in labadaan Maleeshiyo ay halkaasi yimaadaan.

Culuma Owdiinka, waxgaradka, aqoonyahanno iyo dad kale ayaa kala dhex galay labada beelood maleeshiyadooda, wada hadal ka dibna waxaa suurta gal noqotay in lagu guuleysto kala qaadista Labada dhinac.

Goobtii ay ku sugnaayeen waxaa la geeyay ciidamo kale oo nabadda ka tarjumaaya, halka kuwii is horfadhiyay la kala geeyay deegaano duleedka ka ah degmada Caabudwaaq.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in saaka lagu waabariistay, culimo badan oo wata codbaahiyaal, una sheegaya dadka in xilligaan aanay habooneen colaad iyo dhibaato degmada ka bilaabata, nabadana laga shaqeeyo.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News