U bood dhigaalka

Maleeshiyo Hubeysan Oo La Wareegay Degmada Buuhoodle Ee Gobolka Togdheer

Sheeko:Dalka

Maleeshiyaad hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in gabi ahaanba ay qabsadeen degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, kuwaasi oo warar kala duwan laga helayo waxa ay yihiin.

Maleeshiyadan ayaa ka mid ahaa ciidanka maamulka Khaatumo State ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galeyr, hase ahaatee wararku waxay sheegayaan in hadda ay sheegeen in aysan raacsaneen maamulka Khaatumo.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan la wareegay degmada Buuhoodle ayaa sheegay in amniga degmada Buuhoodle ay iyagu mas’uul ka yihiin, islamarkaana aysan halkaasi ku arki karin Madaxweyne Galeyr ama dhinaciisa cid ka socota.

Qof ku sugan degmada Buuhoodle ayaa inoo sheegay in ciidankaan la wareegay degmadaasi ay yihiin kuwo aad u badan islamarkaana hubeysan.

Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Khaatumo oo aynu qadka taleefanka kula xiriirnay waxay dhankooda beeniyeen in magaalada Buuhoodle ay la wareegeen Maleeshiyaad aan iyaga ka ammar qaadan.

Xaaladda degmada Buuhoodle ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana socda abaabullo ciidan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News