U bood dhigaalka

Mamulka Degmada Mahadaay Oo Sheegay In Weli Ay La Yihiin Cid u Gurmata Shacabka Ku Dhibban Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Mahaday ee gobalka Shabellaha dhexe ayaa sheegay in weli aanay arag hal fariin oo jawaab u ah qeylo dhaanta ku aadan dadka ku dhibban degmadaasi ee ay saameeyeen fatahaadda Wabiga Shabelle.

Saalax Xaaji oo ah madaxa arrimaha bulshada ee degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in weli ay degmada ka taagan tahay xaaladda adag ee dhanka nolosha ah, islamarkaana weli aysan muuqan dadaal la doonayo in dadkaasi gurmad lagu soo gaarsiiyo.

Dadka ayuu sheegay in aysan haysan guryo ay seexdaan, ka dib markii daadad badan ay guryaha u galeen, sidoo kalena ay intaasi u dheertahay caafimaad darro baahsan.

“Dhibaatada ka jirta degmada weli waa mid taagan, dadku ma haystaan wax ay cunaan, biyo badan ayaa guryahii usoo galay, sidoo kalena cuduro shuban iyo Malaariyo ayaa halkaasi ka dilaacay’ ayuu yiri Saalax Xaaji.

Dhinaca mas’uulkaan ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu ku sugan yahay gudoomiyaha degmadaasi, islamarkaana sababta uu halkaan u yimid ay tahay sidii dowladda Federaalka warbbixin uga siin lahaa xaaladda adag ee jirta.

Goobjoog News