U bood dhigaalka

Maqaal: Raysulwasaare Khaire: 9million oo doolar ayaan bishii ku bixinaa amniga!

Sheeko:War

Markii aad rabto in aad xaqiiqada dalka ogaato waxaa la dhagaystaa hadalada ama khudbadaha madaxda Soomalidu ay u jeediso ajaanibta maxaa yeelay inta badan ajaanibta waliba caddaanka reer galbeedka run ayay u sheegeen.

Waxaa jirtay  khudbad muhiim ah oo aysan saxaafadda soomalidu aad uga hadlin oo uu raysulwsaaraha hadda dalka Hassan Ali Khaire si wada jir ah ugu jeediyay hay’ada lacagta adduunka (IMF) , Iyo Bangiga lacata adduunka ee magaalada Washington labo maalin ka hor.

hadalka raysul wasaaraha oo 10 daqiiqo socday ayaa wuxuu ka hadal dhammaan inta badan xaaladaha dhaqaale,siyaaasadeed iyo amni ee dalka ka jira.

Inta aan arkayay masuul Somali ah oo caddaanka wax u sheega waxaa iila khatarsanaa raysulwasaare khaire; caddaanku markii ay afrika la macaamiliyaan natiijada iyo xaqiiqada waxay ka jecelyihiin hanaanka (processeska la maro) maxaa yeelay si isla xisaabtanka danbe looga jawaabo waa in waddooyinka la maryo xoogga la saaro.

Raysulwasaarhu waxuu si aad heer saraysa burcad u mariyay xaaladda dhaqaale ee dalka. Wuxuu sheegay in ay ka jawaabeen dhammaan shuruudihii IMF iyo world band ka rabeen si aysan dowladda soomaliyeed  oo tan ka horaysay uga jawaabin .

Sidaas darteed, wuxuu sheegay in dhaqaaluhu koray , sicir bararku aad u hooseeyo, iyo in awoodda wax iibshada (Purchasing power) ee shacabku batay.

Sidoo kale,waxaa kor loo qaaday dakhli aruurinta gudaha dalka iyo in dib u habayn lagu sameeyay waddooyinka loo maro dakhli aruurta iyo wax soo iibsiga guud (public procurement)

Raysul wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay in ay dib habayn ku sameeyeen dhinica amniga asaga oo sheegay in 17,000 (Todobo iyo Toban kun) oo askri in ay akoonadooda lacatii ugu shubeen bishii la soo dhaafay.

Arinta amniga wuxuu sheegay in bishii ay ku baxdo 9 million oo doolar, sanadkiina 109 million doolar ay ku bixiyaan amniga. Taasi waxay ka dhigantahay ayuu yiri lacata gudaha laga soo aruuriyo waxaan 57% ku bixinaa arimaha amniga.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay arinta siyaasadda oo ah in ay dadka u horeseedaan in ay doortaan qofka ay rabaan in ay ka shaqaynayaan.

Khudabadan markaan dhagaystay  waxaa ii soo baxday:

  1. In dib u habaynta dhaqaalaha iyo kor u qaadidda dakhliga gudaha, bixinta musharaadka, iyo diiwaangalinta askartaa(biometric) ilaa 17000kun ay tahay horumar weyn oo ay dowladdu ku talaabstay.
  2. In haddii bisha 9 million amniga lagu bixiyo ay tahay khasaaro weyn oo dalka soo gaaray 2 sanno ee la soo dhaafay maxaa yeelay haddii dhagaxyada meelaha la dhigo aan lacagtaas lagu bixin in aysan wax natiijo oo kale ka muuqan. Waxaa laga yaabaa in gaadiidka bullet proofka ee loo iibiyo xildhibaanada iyo taageeryasha dowladda ay qayb xoog leh kaga baxdo 9 million bishii.
  3. In dowladdu ay ku fashilantay markastana been ka sheegto arimaha siyaasadda oo ay u muuqato in lagu kala tagay.

Talo soo jeedin:

  1. Dowladdu gaar ahaan hoggaanka sare ha ogaadaan in dhaqaalo kaste oo la sameeyo iyo mushaaro kaste oo la bixiyo in aysan raagi doonin haddii ammaanka iyo siyaasadda ay dhibaato ka jirto. Haddaba, halaga fikiro tub cusub oo suurtagal ka dhigi karta in dib u heshiin siyaasadeed oo dowlad wadaag ah iyo hanaan cusub oo amni oo ay hormuud ka yahin dad howlkar ah oo dareen wadani ah qaba la helo.

Ahmed Abdihadi Abdullahi,

Waa wariye madaxbanaan, iyo falanqeeye siyaasadeed oo dagan magaalda Moqdishu.

Twitter @Ahmedabdihadi