U bood dhigaalka

MAQAL: C/weli Gaas Oo Ku Baaqay In Wadajir Looga Shaqeeyo Midinimada Umadda Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay munaasabad habeenkii xalay ahayd ka dhacday magaalada London laguna soo dhoweynayay madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayey ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin iney ka shaqeeyaan in dib loo hanto sharaftii, karaamadii iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay Gaas in si daacad ah ay uga shaqeyn doonaan midnimada Soomaaliyeed, shacabkana looga baahan yahay in iyaguna ay arrintaasi ka shaqeeyaan.

“Midnimo Soomaaliyeed oo inagu hoggaamiyo madaxweynaha ayaan u nimid London, waxaanu diyaar u nahay annaga oo Soomaali ah, annaga oo mid ah, annaga oo meel u wada jeedno inaan ka shaqeyno inaan dib u helno midnimadii, Soomaalinimadii, Karaamadii iyo sharaftayadii, haddii is qabqabsi iyo tafaraaruq meel lagu gaarayo 27-sano naguma qaadateen inaan weli raadineyno dowladnimo Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Hadalka madaxweyne Gaas ayaa yimid xilli habeenkii xaly ahaa uu madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ay si wadajir ah magaalada London ugula hadleen shacab Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka C/weli Gaas.

Goobjoog News