U bood dhigaalka

Maqal: DFS Iyo Hirshabelle Oo Loogu Baaqay Furista Waddooyinka Gala Buulo-burde, Hiiraan

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maxamed Colaad Cabdi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Hirshabelle ayaa ka hadlay xaaladda degmada Buul-burde ee gobolka Hiiraan, kadib booqasho uu ku tagey degmadaasi.

Wuxuu tilmaamay xildhibaanka inuu la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada, ayna u sheegeen in dhibaatooyin badan ay qabaan.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in cabashada ugu weyn ee ay qabaan shacabka ay tahay waddooyinka soo gala degmadaasi oo u xiran Al-shabaab.

Dowladda dhexe iyo maamulka Hirshabelle ayuu ugu baaqay iney u gurmadaan shacabka Buulo-burde iyo sidoo kale iney furaan waddooyinka xiran.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News