U bood dhigaalka

Maqal: Faah Faahin Laga Bixiyey Sarkaal Al-shabaab Ah Oo Isku Dhiibay Dowladda

Sheeko:Dalka

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan, Maxamed C/qaadir Maxamed ayaa Goobjoog News, wuxuu faah faahin dheeraad ah ka siiyey sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab iskuna dhiibay dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Xeer Ilaaliyaha in sarkaalkan lagu magacaabo Abshir Muumin, Al-shabaabna u qaabilsanaa ciidamada howtka ka dagaallama, isaga oo hoggaamin jiray boqolaal askari waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ma aanu sheegin xeer ilaaliyaha in sarkaalkan ay la socdeen askar Al-shabaab ah iyo in kale markii uu is soo dhiibayey.

“Ninkaan wuxuu ahaa amiir sare oo Al-shabaab howl muhiim ah u hayey, xiriir ayuu nala soo sameeyay, wuu is soo dhiibay annagane waan soo dhoweynay si sharaf leh walibana, wuxuuna watey qori Ak-47 iyo sidoo kale Booshash” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal sarkaalkaan la sheegay in dhankooda uu kasoo baxsaday.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News