U bood dhigaalka

MAQAL: Maamulka Khaatumo Oo Labo u Qeybsamay

Sheeko:Dalka

Maamulkaa Khaatumo ee madaxweynaha u yahay Cali Khaliif Galeyr ayaa hadda Labo dhinac u kala qeybsamay, kadib markii uu cirka isku shareeray khilaafka ka dhaxeeya maamulkaasi.

Xildhibaanno ka tirsan Khaatumo ayaa sheegay in xilka ay ka qaadeen madaxweynaha maamulkaasi Cali Khaliif Galeyr iyo ku xigeenkiixa Maxamuud Cagalule.

Xildhibaanno kale oo iyana kamid ah maamulkaan ayaa sheegay in aanu waxbo ka jirin go’aanka ay qaateen xildhibaannada qaar oo ay sheegeen in si sharci darro ah ayba ku kulmeen.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Khaatumo Abshir C/casiis oo la hadlay Goobjoog News, ayaa isna sheegay in xilka laga qaaday oo kaliya madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, islamarkaana aanu jirin sharci xilka looga qaadi karo Galeyr.

Wuxuu tilmaamay wasiir Abshir in madaxweyne ku xigeenka uu xilkiisa ku waayay muddo dheer oo uu ka maqnaa gobollada maamulkaasi, kana qeybgalay shirar sharci darro ah, halka madaxweyne Galeyr isna uu ku sugnaa gudaha deegaannada maamulkaasi shaqooyinkiisana uu si caadi ah u watey waa sida uu hadalka u dhigaye.

Khaatumo ayaa wadahadal kula jirta maamulka Somaliland, waxaana hadda wadahadallada marayaan meel gabagabo ah.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga

Goobjoog News