U bood dhigaalka

MAQAL: Nabadoon Musuq Iyo Cadaalad Darro Ku Eedeeyay Xeer Ilaalinta Qaranka

Sheeko:Dalka

Boqor Maxamed Jaamac oo ah hoggaanka odayaasha dhaqanka ee gobollada waqooyi oo la soo xiriiray Goobjoog News, ayaa sheegay in xeer ilaalinta qaranka ay hor istaagtay  dacwad ay u gudbiyeen oo xafiiska iska dhigteen.

Dacwaddani ayaa ku saleysan sida nabadoonku sheegayo dambi laga galay, soona socotay in ka badan 3 bil.

Waxa uu tilmaamay Boqor Jaamac in xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir uu qoraal been abuur ah ku daray dacwaddii uu gudbiyey, islamarkaana sidoo kale uu tixgeliyey dadkii dacwada loo qabay waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Xeer ilaaliyaha wuxuu galka dacwadda ku daray qoraallo been abuur ah oo uu u gudbiyey Maareeye, wuxuu si cad u cadeystay inuu tixgelinayo koox siyaasadeed oo isku garab ahaayeen xilligii dowladdii hore, dacwad u dhaxeysay muwaadiniin Soomaaliyeedna inuu siyaasadeeyo, wuxuu is hortaagay in la baaro ilmo uurka ku jiray oo la rabay in la dilo, wuxuu si cad isku hortaagay in dacwaddan u gudbto lana horgeeyo hay’adaha garsoorka iyo meelaha kale ee sharciyan loo gudbin lahaa, wuxuu isku dayey inuu dacwaddan dib ugu celiyo CID si uu u fuliyo ujeedooyin ku saleysan musuq iyo marin habaabin, wuxuu diiday inuu wax iga dhageysto aniga oo dacwaddan dhibane ka ah”  ayuu yiri Boqor Maxamed Jaamac oo lasoo xiriiray Goobjoog News.

Dhanka kale Goobjoog News oo xiriir la sameysay Xeer Ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir ayaan u suurtagwlin in ay qadka telefoonka ku helno.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Boqor Jaamac

Goobjoog News