U bood dhigaalka

Maraykanka: Aqalka Hoose Oo u Codeeyey In Xilka Laga Qaado Trump

Sheeko:Dalka

Aqalka Hoose ee Congresska Maraykanka u codeeyey in xilka laga qaado madaxweynaha Maraykanka D. Trump.

Madaxweyne Trump ayaa lagu soo eedeeyey labo qodob oo kala ah:

1- inuu ku takri falay awooddii madaxweynenimo

2- inuu horjoogsaday codsigii kongereeska ee ahaa inuu soo gudbiyo waraaqaha uu goluhu codsaday.

Codbixintii qodobka Koowaad ayaa waxa natiijadiisu ahayd 230 mudane oo oggolaatay in madaxweynaha xilka laga qaado iyo 197 mudane oo diiday.

Qodobka labaad ayaa waxa taageeray 229 mudane halka 198 mudane oo iyagu diideen.