U bood dhigaalka

Maraykanka: Ma Jirto Shacab Aan Ku Dilnay Duqeymaha Aan Ka Fulinno Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warbixin dhowaan ay soo saartay hay’adda Amnesty International, taasi oo ay ku sheegtay in duqeymaha Maraykanka ka fuliyey Soomaaliya lagu laayay dad shacab ah.

AFRICOM ayaa sheegay in ay sameeyaan qiimeyn gaar ah marka ay duqeynta fuliyaan, iyaga oo adeegsanaya hab sirdoon ah, kuna ogaanayaan haddii ay jirto waxyeello soo gaartay dadka shacabka ah.

“Qiimeynteenna waxaan ku ogaannay in duqeymaha AFRICOM ka fuliso Soomaaliya aanay waxyeello kasoo gaarin dadka shacabka ah, qiimeynteennu waa baaris kadib aan sameynno markii ay duqeyn dhacdo, waa hab sirdoon oo aanay ogaan karin hay’adaha aan milatariga ahayn” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AFRICOM.

Amnesty ayaa sheegtay in 14 qof oo shacab ah ay ku dhinteen 5 duqeyn oo diyaaradaha Maraykanka ka geysteen Soomaaliya, taasi oo ka dhigan in ay intaasi ka badan tahay shacabka waxyeellada kasoo gaarto duqeymaha Maraykanka iney aad u badan yihiin.

Dowladda Maraykanka ayaa Soomaaliya ka caawisa howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana dalka ay ka geystaan diyaaradahooda duqeymo la sheegay in Al-shabaab lala eeganayo.

Goobjoog News