U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Beeniyey In Askari Looga Diley Jubbaland

Sheeko:Dalka

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Maraykanka ayaa lagu beeniyey warar ay shalay baahiyeen Al-shabaab, kaasi oo ahaa iney dileen askari ka tirsan Maraykanka.

Waxaa lagu sheegay qoraalkan in weerarkii ka dhacay nawaaxiga deegaanka Buulo-gaduud ee Jubada Hoose 19-kii bishan aanay jirin askari Maraykan ah oo waxyeello kasoo gaartay.

Dhanka kale, Samantha Reho, afhayeen u hadlay taliska Maraykanka ee AFRICOM ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Shiinaha ayaa xaqiijiyey inuu jiro dagaal dhacay, balse aanay askartooda khasaare kasoo gaarin, ayna badqabaan, gaar ahaan kuwa ka howlgala Jubbaland.

Ugu dambeyn, dowladda Maraykanka ayaa sheegtay iney xoojineyso weerarada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan deegaanno kamid ah dalka.

Goobjoog News