U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Faah Faahiyey Duqeyn Ay Ka Fuliyeen Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka Maraykanka ee qaaradda Africa ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey duqeyn ay diyaaradahooda ka fuliyeen gobolka Shabellaha Hoose.

Qoraal kooban oo taliskan kasoo baxay ayaa lagu sheegay in duqeyntan oo dhacday Shantii bishan (shalay) lagu qaaday saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Leego ee gobolkaasi.

Maraykanka wuxuu sheegay in duqeyntaasi lagu burburiyey saldhigyo muhiim u ah Al-shabaab iyo gaadiid dagaal.

Lama sheegin khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeyntan, hase yeeshee taliska Maraykanka ee Africa ayaa sheegay in mar walbo ay ilaaliyaan waxyeello in aanay soo gaarin dadka rayidka ah.

Sanadkan 2019, dowladda Maraykanka ayaa kordhisay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ka fuliyaan goobaha ay dalka kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Goobjoog News