U bood dhigaalka

Maraykanka oo ku hanjabay in uu jarayo deeqdii uu siin jiray dowladda Federaalka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

MaraykankaDowladda Maraykanka ayaa la sheegey in uu ku hanjabay in uu jarayo kaalmadii uu siinayay dowladda federaalka Soomaaliya sida ay tabisey wakaaladda wararka AP ee Maraykanka laga leeyahay.

Wakaaladda oo soo xiganaysa sargaal dowladda ka tirsan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegtey in wakiilka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. Mcanulty in uu ku hanjabay in uu jarayo deeqaha la siiyo dowladda Soomaaliya haddii madaxda Soomaalida ay ka baaqsan waayaan khilaafka dhexdooda ah.

Laakiin safaaradda Nairobi ayaa ka gaabsatay in ay ka hadasho hanjabaadani, hase yeeshee war qoraal ah oo todobaadkani soo saartay dowladda Maraykanka ayay ku sheegtey in aysan ka qeybgali doonin shirka Copenhagen ee lacagaha loogu yaboohayo Soomaaliya.

Maraykanka ayaa dowladda Soomaaliya siiyey $58 milyan oo doolar sanadkani oo kaliya taasi oo lagu bixiyey xagga horumarka, halka $271 malyuun oo dheeraad ah lagu bixiyey xagga ciidamada Soomaalida iyo kuwa Midoowga Afrika.

Goobjoog News