U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Laga Baqayo Saameynta Dabaylo Baraf Wata Oo Ku Dhufta Goballo Badan

Sheeko:Dalka

Dalka Mareykanka waxaa cabsi weyn laga qabaa in sameyn aan wanaagsaneyn ay ku yeeshaan dabeylo baraf wata oo ku dhufanaya gobolo badan oo Mareykanka ka tirsan.

Magaalooyin ay ka mid tahay New York ayaa dadka lagu amray in guryahooda aysan ka soo bixin iyadoo sidoo kalana la xiray Suuqyadii loo dukaameysanjiray iyo Boosteejoojinkii baabuurtu ay ka bixijireen.

11 gobol oo mareykanka ku yaalla ayaa xaalad degdeg ah looga dhawaaqay waxaana la xaqiijiyey in illaa iyo hadda ay sababeen duufaanada barafka wata  dhimashada 19 ruux iyo bur bur badan oo dhanka hantida ah.

Dadka geeriyooday ayaa u badan dad shilal baabuur galay cimilada oo aad u liidata darteed.

Waxaa lasheegay in duufaantani ay saameyn doonto 85 million, malaayiin dad ah ayaa la xarbinaya sidii ay guryahooda barafka uga hor ugilahaayeen.

Tobaqnaan kun oo guri ayaa hadda koronta la’aan ah dalka mareykanka, waxaana meelaha qaar ka jira jam ama saxmad dhanka wadooyinka ah oo sababaya in waqti kabadan 12 baabuurtu ay wadada ka jira.

Meelaha ay gawaaridu socon la’dahay waxaa ka mid ah Kentucky  iyo Pennsylvania, waxaana laga soo weriyey miyiga gobolka Virginia in kun baabuur ay shilal galeen , kuwaas oo sababay dhimashada laba ruux iyo dhaawacyo intaa ka badan.

Gawaarida  la macaamisha xaaladaha  degdega ah ayaa lagu arkayaa wadooyinka waa weyn  ee magalada Newyorka iyo magaalooyinkale si ay gacan uga geystaan xaaladaha deg dega ah.

Waxaana amar ay ku bixiyeen gudoomiyayaasha 20 gobol oo mareykanka ku yaalla in dadku ay joojiyaan safarada laga maarmikaro iyadoo la hakiyey duulimaadyo badan.

Goobjoog News