U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digey Iney u Safraan Itoobiya

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda waxay uga digtey iney xilligan u safraan dalka Itoobiya oo rabshashado xooggan ay ka socdaan.

Qoraal  kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in safaaradooda ku taalla dalka Itoobiya aaney xilligaan awood u lahayn iney qabato fulinta adeegyada muwaadiniinta Maraykanka u baahan yihiin.

Wasaaradda ayaa ku baaqday in illaa iyo ammar dambe aysan muwaadiniinta Maraykanka aadin guud ahaan gobollada dalka Itoobiya.

Gobollada Itoobiya qaar waxaa ka socda dibadbaxyo wata rabashado, gaar ahaan gobollada ay degaan Oromada iyo Amxaarada.

Dibadbaxyadan ayaa sababay in dad carreysan ay burburiyaan dhismeyaal muhiim ah, sidoo kale ay hakad galeen adeegyadii bulshada muhiimka u ahaa.

Dowladda Itoobiya ayaa 8-dii bishan waxay xukun degdeg ah kusoo rogtay guud ahaan dalkaasi.

Goobjoog News