U bood dhigaalka

Maraykanka oo shaaciyay liiska rag uu Argagixisada ku daray

Sheeko:Amniga

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay liiska argagixisada ay ku dartay rag sar sare oo ka tirsan ururka alshabaab, kuwaas oo saameyn ku leh maamulka kooxda.

Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka, ayaa bayaan ka soo baxay lagu sheegay magacyada shan kamid ah ragga ugu saameynta badan ururka alshabaab kuwaas oo lagu daray liiska argagixisada.

“Dowladda Mareyknaku waxay si adag ugu taagan tahay waddada ay ku caawineyso dadaallada dalalka Bariga Afrika iyo Midoga Afrika hoggaaminayaan ee la dagaallanka khatarta Al-Shabaab, oo ka mid ah ururrada ugu halista badan ee hoos taga Al-Qaacida, oo dilay kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareyakan ah oo lagu laayay Soomaaliya iyo Bariga Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Ragga magacyadooda maraykanka uu shaaciyay ayaa kala ah:-

Maxamed Mire

Ninkaan ayuu maraykanka sheegay in uu yahay mid kamid ah shaqsiyaadka ugu sareeya Al-shabaab, waxaana sidoo kale la sheegay in uu kamid yahay dadka leh go’aanka ugu dambeeya ee kooxda.

Mire ayaa la sheegay in uu sidoo kale yahay maskaxda ka dambeysa isteraatiijadda kooxda, waana madaxa arrimaha gudaha ee kooxda Shabaab.

Yuusuf Axmed Xaaji Nuurow

Ninkaan oo sidoo kale Maraykanka in loo yaqaano Gees Cadde, ayaa kamid ah shaqsiyaadka laf dhabarka u ah ururka Al-shabaab.

Gees Cadde, ayaa ah madaxa qaybta sirdoonka ururka Al-shabaab, waxaana hadda uu kamid yahay shaqsiyaadka dunida oo idil uga diiwaan gishan argagixisanimada.

Mohamoud Abdi Aden

 Shaqsigaan kale ayuu Maraykanka uu tilmaamay in uu xubin muhiim ah ka yahay horjoogayaasha kooxdaan, waxaana la sheegay in uu qayb ka ahaa dejinta qorshayaasha weeraro ay Al-shabaab ka gaysteen Soomaaliya iyo meel ka baxsanba.
Ninkaan ayaa la sheegay sidoo kale in uu doorwayn ku lahaa dejinta qorshaha weerarkii sanadkii 2019-kii lagu qaaday Dusit2 ee magaalada Nairobi.

Yaasir Jiis

Jiis ayuu maraykanka sheegay in uu qayb ka yahay shaqsiyaadka hoggaaminta sare ee kooxda qaybta ka ah, waxaana lagu daray liiska argagixisada.
Yaasir Jiis ayaa ah madaxa garabka weerarada ururka al-shabaab oo ah garabka fuliya weerarada ay kooxda geystaan, mana jirto faahfaahin  intaas dheer oo uu maraykanka ka bixiyay ninkaan.

Mustaf Caato

Caato ayaa lagu sheegay bayaanka ka soo baxay Maraykanka in uu yahay shaqsiga isku dabarida lehna fulinta weeraradda ay kooxda ka gaysato Soomaaliya iyo Kenya.

Sikastaba dhammaan shaqsiyaadkaan ayaa hadda galay liiska dadka argagixisada loo aqoonsan yahay, dhawaan ayay ahayd markii Maraykanka uu cunaqabatayn dul dhigay rag ka tirsan Shabaab kuwaas oo la sheegay in ay kooxda u qaabilsanaayeen soo iibinta hubka iyo qaadista lacagaha.

Goobjoog News