U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Sheegay In Duqeynii Mudug Ay Ku Dileen Dagaalyahanno Al-shabaab Ah

Sheeko:Dalka

Dowladda Mareaykanka ayaa ka hadashay weerar dhanka cirka ah oo diyaaradahooda dagaalka Labo habeen kahore ka geysteen deegaanka Jeexdin ee gobolka Mudug.

Captan Jeff Davis oo ah Afhayeenka Waaxda Pentagon-ka ee Dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyey jiritaanka weerarkaasi, wuxuuna sheegtay inay ku beegsadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dagaalyahanndaasi ay ahaayeen kuwo qorsheynayey weeraro ay ku qaadaan ciidanka dowladda, balse ay taasi kahor tageen.

Davis wuxuu tilmaamay iney dileen 9 ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana dhinaca kale uu sheegay iney wadaan baaritaanno ku aadan in weerarkaasi ay ku dileen Askar ka tirsan dowladda Federaalka, gaar ahaan maamulka Galmudug.

Mas’uuliyiin u hadashay maamulka Galmudug waxay sheegeen in weerarkii ka dhacay deegaanka Jeexdin aan lagu dilin dagaalyahanno Al-shabaab ah, balse halkaasi lagu laayey ciidamo ka tirsan Galmudug iyo dad shacab ah.

Ciidamada Puntland ayaa weerarkaasi ka qeybqaatay, waxaana dadka halkaasi ku dhintay ay ka badan yihiin 15 qof oo dad shacab ah ay ku jiraan.

Goobjoog News