U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Sheegay In Khasaare Kasoo Gaaray Dagaal Ay La Galeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa qiratay in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu kasoo gaaray weerar khamiistii ciidankoodu ay ka fuliyeen Shabeellaha Hoose.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegaya in mid ka mid ah ciidamadooda gaarka ah lagu dilay gudaha Soomaaliya, Labo kalena lagu dhaawacay xilli uu socday hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Warbixin laga soo saaray taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in askarigani uu ku dhintay meel qiyaastii 60- KM dhanka galbeed ka xiga magaalada Muqdisho.

Taliska ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay fulinayeen howlgal la talin iyo caawimaad isugu jira oo ay kala qeyb galeen ciidamada dowladda Soomaaliya deegaannada Awdheegle iyo Mubaarik ee Shabellaha Hoose.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay caawinayeen ciidamada milatariga Soomaaliya oo hawlgal fulinayay.

Bishii lasoo dhaafay ayaa tiro ciidamo ah oo Mareykan ah waxaa la geeyay gudaha Soomaaliya si ay u tababaraan islamarkaana u qalabeeyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika.

Waa askarigii ugu horreeyay ee Mareykanka uga dhinta Soomaaliya tan iyo markii ay dalka ka baxeen 1994-tii, kolkaas oo Gen. Caydiid uu ka dilay 18 askari.

Goobjoog News