U bood dhigaalka

Maraykanka oo Soomaali Ka Saaraya Liiska Dadka Ka Caaggan Duulimaadka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga gudaha Maraykanka ayaa biloowdey qorshe cusub oo ay ku tirtireyso magacyada dad tiro badan oo ku jira liiska dadka ka caaggan duumilaadyada sababo la xiriiro tuhuno laga qabo in ay xiriir la leeyihiin ama ka tirsanyihiin kooxaha argagixisada.

Dadkani oo tiradoodu gaarayso 19,500 ayaa waxaa ka mid ah dad Soomaali ah, waxayna wasaaradda biloowdey kulamo ay la yeelanayso jaaliyadda Soomaalida ee Minneapolis si dadka Soomaalida ee diiwaankaasi ku jira looga saaro.

“Waxaan go’aansanay in aan halkan soo gaarsiino barnaamijka dib u eegista diiwaanka dadka duulimaadka ka caaggan, taasi oo ay dadkani xaq u leeyihiin, waxaan qabanaynaa araajidooda, islamarkaasina dhagaysanaynaa cabashooyinkooda” ayay tiri Kimberly Walton oo ka tirsan wakaaladda amniga gudaha.

Dadka ku jira liiskani ayaa waxaa lagu maraanmaraa ama si gaar ah loogu baaraa garoomada diyaaradaha, iyada oo laga cabsi qabo in ay diyaaradaha afduubtaan ama dhibaato kale geystaan.

Faryuun Weli oo ka tirsan dadka u dhaqdhaqaaqa Soomaalida ayaa sheegtey in ay tahay arrin dhib badan in markasta uu qofka gadaashiisa ka baqo, hareerahana iska eego eego isaga oo cabsi ka qabo in cid kale ay sheedda ka eegeyso.

Liiskani ayaa la sameeyey kadib weeraradii diyaaradaha loo adeegsaday ee lagu qaaday daarihii dhaadheeree ee Maraykanka, kadib 19 qof oo iska dhigey in ay rakaab yihiin oo afduubtey afar diyaaradood, kadibna sidii gantaal u galiyey daarihii mataanaha ahaa ee New York iyo wasaaradda gaashaandhigga Pentagon.

Todobaadkan ayay ahayd markii loo murugoodey sanadguuradii 14-aad ee kasoo wareegtey markii weeraradaasi la qaadat, kuwaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3 kun oo qof oo Ameerikaan ah hal maalin gudaheed.

Goobjoog News