U bood dhigaalka

Maraykanka Oo War Kasoo Saaray Duqeyn Uu Ka Fuliyey Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Maraykanka Africa ee AFRICOM aya waxa uu ka hadlay weerar ay 11-kii bishan diyaaradaha aan duuliyaa lahayn ka fuliyeen saldhig Al-shabaab ku leeyahay gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan meel aan ka fogeyn deegaanka Jannaay Cabdalle.

Taliskan ayaa sheegay in weerarkaan lala eegtay gaari Al-shabaab ay kasoo buuxiyen walxaha qarxa iyo sidoo kale dagaalyahanno la socday.

Gaariga ayeey sheegeen in gabi ahaanba ay burburiyeen, sidoo kalena duqeyntaasi ay ku dhinteen dagaalyahannadii la socday, balse tiro ahaan ma aanay sheegin khasaaraha nafeed ee halkaasi ka dhashay.

Sidoo kale, AFRICOM ayaa sheegay in ka hor inta aanay weerarkaan fulin ay kala tashi la sameeyeen dowladda Federaalka ah.

Weerarkaan ayaa noqonaya midkii 12-aad ee dagaalyahannada ay dowladda Maraykanka ka fuliso gudaha dalka, ayna ku weeraraan Al-shabaab.

Goobjoog News