U bood dhigaalka

Maraykanka: Waxaan Dilney 62 Al-shabaab Ah

Sheeko:Amniga

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in 62 ka mid ah Al-shabaab ku dileen weeraro ay ka gobolka Shabellaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay taliska Maraykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in Sabtidii iyo Axaddii Lasoo dhaafay ay weeraren xerooyin Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Gandarshe ee gobolkaasi.

Wadarta guud ee xubanaha looga diley Al-shabaab ayeey ku sheegeen 62, waxaana weerarkii ugu dambeeyey uu dhacay Sabtidii Shalay.

AFRICOM ayaa sheegtay sidoo kale iney xoojin doonaan weerarada ay la eeganayaan xubanaha Al-shabaab ee ku sugan Soomaaliya.

Dhanka Al-shabaab kama aanay hadal waxa ka jira in tiro intaa la eg looga diley weerarada ay diyaaradaha Maraykanka ka fuliyeen gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News