U bood dhigaalka

Mareekanka oo digniin kale u diray muwaadiniintiisa joogta Jabuuti iyo kuwa doonaya in halkaasi u safraan

Sheeko:Dalka

USAWasaaradda arrimaha dibada ee Mareykanka ayaa dib usoo cusbooneysiisay digniin ay horey ugu soo jeedisay muwaadiniinteeda u safra wadanka Djibouti.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay iney heleyso warbixino tilmaamaya ineydhicikarto qataro ku aadan waxa loogu yeero Argagaxisada. Taas oo lala beesanayo reer Galbeedka iyo Mareekanka iyo waliba danaha dowladda Jabuuti

Qoraalka ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda dalka Mareekanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in falalka argagaxisada inay isugu jiraan kuwo Ismiidaamin ah sida kuwa loo adeegsado gaadiidka walxaha qarxa laga soo buuxiya, Afduub, weeraro lagu qaado duulimaadyada rayidka ah, waxaa sidoo kale suurta gal ah in la weeraro xarumaha dowladda, sida safaaradaha, saldhigyada ciidamada iyo sidoo kale meelaha dadku ku badan yihiin, oo ay ku jiraan Hoteelada, Maqaayada iyo goobaha kale ee ganacsiga.

“In kastoo dowladda Mareekanka ay wado baaritaano ku aadan dadkii ka dambeeyay weeraradii argagaxiso ee kol hore ka dhacay dalka Jabuutim hadana kuwii ku lugta lahaa weli waxa ay ku sugan yihiin gobalka” ayaa lagu yiri warbixintaan kasoo baxday dowladda Mareekanka.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka u safra Jabuuti la weydiin doono sababaha iyo halka ay aadayaan, si xog buuxda looga helo dadka dalakaasi galaya ee u dhashay dalka Mareekanka.

“Muwaadiniinteena waa in ay la socdaan Jaraa’idka, Raadiyaha, Wararka maxaliga ah iyo Talefishanka kahor inta aanay ku tallaabsan safarka, waana in sidoo kale ay la tashtaan ciidamadooda, Waxa kale oo aanuku ggubaabinaynaa muwaadiniinta in aysi taxadar lehu qiimeeyaanammaankameelahaaybooqanayaan eeDjibouti, si gaar ahgoobaha dadweynaha sidameelahalaga dukaamaysto, hotelada, Baararka, iyomakhaayadaha” ayaa qoraalka lasii raaciyay.

Sidoo kale Mawaadiniinta Mareekanka ee horay usii joogay dalka Jabuuti ayaa lagu war geliyay in ay ahaadaan kuwo feejigan, islamarkaana ay ka taxadaraan qatar walba oo u imaan karta, kana taxadaraan meelaha lagu badan yahay.

Dalka Jabuuti waxaa horay uga dhacay weeraro Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Maqaayad ay ku badan yihiin Reer Galbeed waxaana ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News