U bood dhigaalka

Mareykanka: 60 Al-shabaab Ah Ayaan Ku Dilnay Xarardheere

Sheeko:Amniga

Duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay u geysteen Al-shabaab ayaa waxaa lagu dilay 60 ka tirsan xarakada, duqeynta waxaa ay ka dhacday Xarardheere, Mudug, sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal ay xalay soo saareen AFRICOM.

Duqeynta ayaa la sheegayaa inay tahay middi ugu cusleyd tan iyo November 2017  kolkaas oo duqeyn ku dileen Mareykanka ilaa 100 Al-shabaab ah.

Qoraal-ka taliska Mareykanka ee Afrika(AFRICOM) waxaa lagu sheegay oo kale in duqeynta ay hoos u dhigeyso awoodda Al-shabaab,  inay gesytaan weerarro  cusubs, in la wiiqo shabakadooda hoogaanka iyo in hoos loo dhigo sida ay xornimada ugu dhaq-dhaqaaqaan gobolka.

“Dilka waxaan ku qiyaasnay ilaa 60 argigixo ah, waa tiradii ugu badneyd ilaa November 21, 2017, kolkaas oo duqeyn dhacday Al-shabaab looga dilay 100 argigixiso”, sidaasu waxaa qortay AFRICOM.

Bishan keliya, Mareykanka waxaa ay duqeyn u gesyteen Al-shabaab ilaa 4 jeer, taasi oo keeneysa inay kor u dhaafaan tirade sanadkii hore oo gaartay 31 .

Dhankooda, Al-shabaab waxaa ay sheegatay qarax ka dhacay Baydhabo, kaas oo ay ku dhinteen 20 qof.

Goobjoog News